Akhriso:-Maxay Dowladda Wakhti Dheer Ugu Qaadatey Ka Jawaabista Dhiibista Qalbi Dhagax

Wax ka badan labo todobaad ayay dowladda ku qaadatay in ay ka hadasho arrinta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax , dhiibistii loo dhiibay dowladda Itoobiya. Waxayna dad badan isweeydiiyaan sababta waqtigaasi dheer ay u qaadatay haddiiba ay sidan dowladda ugu sahlanayd , uguna kala caddayd dhiibista Qalbi Dhagax sida ku cad qoraalka ay soo saartay.

Markii Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre meel fagaaro ah lagu weeydiiyay Qalbi Dhagax waxaa hadalka qaatay taliyaha nabada suggida Cabdullaahi Sanbaloolshe waxa oo sheegay “in aysan jirin cid ka hadli karta arrinta, tahay mid xasaasi ah, isaga oo sii raaciyay in xitaa madaxweynaha uusan ka hadli karin”.

Su’aasha waxa ay tahay, haddii uu jiray heshiis ay dowladda u cuskatay dhiibista Qalbi Dhagax,ahaana qof dambiile ah, maxaa keenay in taliyaha sidaas u hadlo ?

Wasiirka shirka jaraa’id ee uu qabtay kuma uusan sharrixin sababta ay wakhti dheer u qaadatay.

War saxaafadeedka dowladda waxa ay ku sheegtay in dhiibista Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci ah, oo waafaqsan labo heshiis oo horay u kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, labada heshiis ayaa kala ahaa kuwa hoos ku qoran.

1.Heshiis la saxiixay 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

2.Heshiis kale oo la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.

Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.