Shirkad Shaqalaheeda Ku Amartay In Ay Is Caateeyaan Oo Magdhaw Dhiibeysa

Maxkamad ku taala Ruushka ayaa xukuntay in shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot aysan shaqaalaheeda u yeerin karin cabirka dharka ay xiranayaan. ama aysan ku qasbi karin in ay wada dhex yaraadaan.

Maxkamaddu waxay la safatay labo gabdhood oo diyaaradaha ka adeega oo shirkadda ku dacweeyay in la faquuqay.

Waxaa laga soo wareejiyay duulimaadyo ay faa’iidooyin badan ku qabeen iyaga oo eersaday cabirka dhexdooda.

Shirkadda Aeroflot ayaa shaqaalaha diyaaradahooda ka adeega ku amray in aysan xiran karin dharka shaqada oo cabirkoodu wayn yahay.

Laakiin maxkamaddu ma aysan si cad u xukumin in shuruudaha shirkadda Aeroflot uu faquuq ahaa.

Taa badalkeedana waxay gabdhaha siiyeen lacag yar oo magdhaw ah, taas oo lagu jaangooyay mushahaarkii laga dhimay iyo xoogaa kale oo lagu siiyay dhibaatada kale ee arrintaas ka soo gaartay.

Shirkadda Aeroflot waxay sheegtay in ay si wanaagsan u darsi doonto go’aanka maxkamadda ka hor inta aysan badalin shuruucdeeda shaqada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.