Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Banggiga Adduunka oo Muqdisho Kulan Ku Leh+Sawirro

Magaaladda Muqdisho waxa haatan ka socda kulan looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha,iyo mashaariicda Soomaaliya kaasi oo u dhexeeya madax ka socota Banggiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa  yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Banggiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya,iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, agaasimayaasha waaxyaha kaladuwan ee Wasaaradaasi.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Banggigga aduunka uu ku leeyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.