Sawirro: Qoysas dan yar ah oo lacago been abuur ah laga qaatay oo Banaan Bax sameeyay.

in ku dhow shan boqol oo qoys oo kamid ah dad ka danyarta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay Banaan bax balaadhan oo ay ugu cabanayeen rag ay tilmaameen in ay ka qaateen lacago Been abuur ah oo ay siidaayeen Maxkamadaha dalka ,iyagoo aan looga qaadin xaqii ay ka dhaceen Raggaasi.
Banaan Baxyaashan ayaa waxaa ay wateen Boorar ay ku sawiran yihiin Madaxda Maxkamadaha dalka ,sida Maxkamadda Gobalka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka ,Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Sidoo kale Xerilaaliyaha guud ee Qaranka.
“Waxaa noo yimid Rag sheeganayay in ay ka socdaan mid kamid ah hay’adaha bixiya gar gaarka ,waxa ay inoo sheegeen in ay nasiin doonan kaadhadhka lagu bixiyo Raashiinka gar gaarka ,iyagoo naga qaatay hal kii kaarba $ 7 Dolar” ,sidaa waxaa Warbaahinta u sheegtay mid kamid ah haweeney kamid heyd dad kii Banaan baxa dhigayay.
Sidoo kale waxaa ay sheegtan haweeneydaan in Ragaas ay soo qabteen Ciidanka ammaanka ee Degmada Wada jir ee Gobalka Banaadir,waxaana loo gudbiyay Maxkamadda Gobalka Banaadir laakiin waxa ay Nasiib darro ku tilmaamtay in la sii daayay Ragaasii ,oo ay fasaxeen hay’adaha gar soorka dalka .
“Waxaan aad ugu xunahay in raggii nadhacay anagoo dan yar ah in hadana ay sii daayaan hay’adihii garsoorka ,waxaan u aragnaa in arrintaas ay kamid tahay cadaalad darada ka jira dalka ,waxaana Madaxda Sare ee dalka aan ugu baaqeynaa hadaanu nahay dadka dan yarta ah in arrintaas ay talaabo ka qaadaan”
Oday kamid ah Banaan baxyaasha ayaa waxaa uu Tilmaamay in Raggan ay ahaayeen Markii hore Macalimiin ,laakiin ay duuga nimo leh ay ula dhaqmeen dad kan Masaakiinta ,”laakiin waxaan aad ula yaabanahay sida aan xishoodka laheyn ee Loo fasaxay dad kaas, waxaana taas ay cadeyneysaa in Wadanka aysan ka jirin wax cadaalad ah’ ayuu yiri Oday kamid ah dad kii maanta isugu soo baxay Xaafadda Buulo xuubey ee Degmada Wada jir ee Gobalka Banaadir.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay soo baxday Warqad sheegeysa in xilalkii laga qaaday Xubno kamid ah Garsoorka dalka ,laakiin waxaa muuqata in wali ay cadaalad darada ay jirto.





Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.