Dagaalyahanada Kenyaatiga oo Isaga Baxaya Xarakada Al-shabaab

Warar lagu kalsoonaan karo oo warbaahinta Kenya ay daabacday ayaa sheegaya in muwaadiniinta kenyatiga uu kamid yahay Ahmed Iman Ali  oo loo yaqaano (aka Abu Zinira) iyo ugu yaraan shan kale oo kamid ah kenyati katirsan Xarakada al shabaab ay go’aankaas qaateen.

Dagaalyahano daacad u ah Ahmed Iman  ayaa sidoo kale la filayaa in ay baxsadaan waxaana magacyada qaar kamid ah dagaalyanadaasi lagu kala sheegay Juma Ayub Otit, Ramadan Kioko oo loo yaqaano Abu Nuseiba, Sulaymaan Irungu Mwangi iyo Mohamed Tajir.

Midkasta oo kamid dagaalyanadan waxaa horay  police-ka Kenya ay dul dhigeen madaxyadooda min  2 million oo shilin-ka kenyatiga iyagoo loo heesto tababarida kenyatiga iyo fududenta u safridda soomaaliya oo ay wadeen tan iyo sanadii 2009-kii.

Waxaa  sirdoonka Kenya sidoo kale ay sheegeen in dagaalyano ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka Tanzania, Uganda, masar, iyo  Libya in ay isaga bixi rabaaan kadib murano soo kala dhexgalay iyaga iyo dagaalyahanada soomaalida kuwaa oo sidoo kale kabaqanaya in la toogto.

Ahmed Ali Iman oo ah sarkaal kenyaati ah oo katirsan xarakada al shabaab ayaa sidoo kale la tilmaamay in uu abaabulayay aas-aasitaanka koox jihaadiyiin kenytai ah keymaha booni ee dalka Kenya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.