Waqitga la qabanayo Doorashada dalka Kenya oo lagu dhowaaqay

Guddiga madaxa banaan ee doorashada iyo xuduudaha dalka Kenya ayaa kulan ay yeesheen maanta waxa ay ku go’aamiyeen in doorashada ku celiska ah ee Madaxweynaha Kenya la qaban doono 17ka bisha Oktoobar ee sanadkan.

 

Qoraal ay soo saareen guddigan ayaa lagu sheegay in doorashadan ay u dhaxeyso hogaamiyaha mucaaradka Raila odinga iyo ku xigeenkiisa iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa oo kaliya.

Doorashada dalka Kenya ee dhacday horaantii bishan Augost ayaa waxaa baabi’iyay Maxkamada sare ee dalka Kenya iyadoo ku tilmaantay inay qaladaad dhaceen doorashada heer Madaxweyne.

Waa markii ugu horeysay ee dalka Kenya iyo guud ahaan qaarada Afrika doorasho ku celis ah dadku ay u dareeraan kadib markii Maxkamad sare ay xukuntay.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Kenya David Maraga ayaa  Jimcihii aynu ka soo gudubnay waxa uu sheegay in doorashadii August ee uu boqolkiiba 54% ku guuleystey Mr Kenyatta in aysan u dhicin si waafaqsan dastuurka waxana uu kutilmaamay in ay tahay mid aan sharci ahayn.

Maxkamada sare ayaa qaar ka mid ah guddiga doorashada madaxa banaan ee IEBC ku tilmaamay inay sameeyeen qaladaad iyo sharci darro soo gudbinta natiijada.

Waxayna Maxkamada Sare amartay in doorasho cusub la qabto muddo lixdan cisho gudahood ah,balse Mucaaradka ayaa dalbaday in guddiga doorashada IEBC la bedelo si aysan markale u soo laaban qaladaadkii dhacay.

Hase yeeshee guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa dalbaday in Maxkamadu ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso halka qaladaadka ay ka dhaceen.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Mr Odinga ayaa ku tilmaamay guddiga doorashada qiyaanoolayaal waxana uu ku baaqay in ay is casilaan isla markaana maxkamad la horgeeyo.

Hase yeeshee Mr Kenyatta ayaa markii ugu horeysay ee go’aanku uu soo baxay ugu baaqay taageerayaashiisa inay isdejiyeen balse markii dambe ayuu eedeyn u soo jeediyay garsoorayaasha maxkamada sare isagoo ku tilmaamay inay yihiin burcad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.