Guddoomiyaha Maxkmadda Sare oo Shaqada ka Joojiyey 18-Garsoore

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Xigasho Sonna

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.