Hirshabelle”ma aqbali doono in la Carqaladeeyo Doorashada Hirshabelle”

hirsh

Iyadoo Dhawaan la filayo in Magaalada Jowhar ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa Arrintaas ka hadlay Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabelle.

Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashada Maamul Goboleedka Hirshabelle Sheekh Abuukar Xasan Cali ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin in la Carqaladeeyo Doorashada Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Hirshabelle islamarkaana Dadka ku Howlan ay u digayaan.

Tan iyo Markii Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ay Xilka ka rideen Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa soo baxayay Khilaaf ka dhashay Xilka qaadistii Madaxweyne  Cosoble,iyadoo Dadka ku nool Gobolka Hiiraan ay sheegeen in Cosoble uu yahay Madaxweynaha Maamulka Hiiraan State

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.