Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay Dhiibista Qalbi Dhagax.

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay  arinta Muranka badan dhalisay ee ku aadan dhiibista C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax isagoo wax lala yaabo Ku tilmaamay dadka banaanbaxa dhigaya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in Qalbi dhagax uu kasoo jeedo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ,islamarkaana aysan jirin wax ka khuseeya dadka Soomaaliyeed, waxaana xusay in dambiyo kala duwan uu ka galay dhulka dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in arinta Qalbi Dhagax, ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya.

“C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo, waa nin degaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, C/kariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweynaha Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa uu dhahay.

“Qalbi dhagax Waa nin nasiib badan isagoo danbiyo badan ka galay deegaanka ayuu halkaan nabad galyo ugu noolaan doonaa balse waxa uu soo marayaa Baaritaan qaladaadkiisa la xariira.

Shacabka Soomaaliyeed ee banaanbaxa dhigaya iyo siyaasiinta ayuu Ku sheegay kuwa Dana gaar ah wato oo aan shaqo Ku laheyn arintiisa.

” kuwa Qalbi dhagax u banaanbaxaya maxaa uga galay miyay u banaanbaxaan Shabaabka dadka dilaya Suuqyadii ardaydii qalin jibineysay iyo masaajidyadii ayaa la qarxiyay kama banaanbixin Qalbi dhagax oo ah shaqsi dhulkiisa jooga ayay ka banaanbaxeen Waa arin aan u oolin” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.