Rabshado ayaa ka socda Busteejada Cirtoogtaha ee laga raaco Gaadiidka aada Xaafada Oodweyne ee Degmada Deeyniile ee Gobolka banaadir.

Isfahamwaa ayaa ka taagan Busteejada Gawaarida dadweynaha laga raaco ee Cirtoogtaha ee aada Xaafada Oodweyne kaas oo u dhaxeeya qaar ka mid ah Darawalada Gawaarida kaxeysa ee halkaasi ka Shaqesta.

Arintaan ayaa la xiriirta kadib markii Darawalada isku khilaafeen lacago Canshuur ah oo ay weeydiiyeen ciidamo ka tirsan dowladda taas oo isfahamwaa ka dhex dhalisay Darawalada Gaadiidka.

Dhibaatada ugu weyn ayaa timid kadib markii ciidamadu ay dalbadeen in lacagta fariisimahooda loogu keeno sababo la xireiira dhanka amniga taas oo keentay in Darawalada qarkood ay diidaan qaarna ay amar kaas fulinayaan.

Intaas kadib waxaa bilaawday in dadweynaha loo diido in ay Gawaarida raacan si ay u tagaan halkii ay doonayaan, xiisada ayaana weli halkaasi ka taagan oo aan wax xal ah laga gaarin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.