Cameey iyo Carabey oo ka shiray Amaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

carabay

C/xakiin Xaaji Cumar “Camey” Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland  iyo Maxamed Cabdi Xaashi “Carabey” Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa kulan looga hadlayo amniga waxa uu waxa ay ku yeesheen Garoonka magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, Saraakiil Ciidan, iyo xubno kale waxaana aad looga hadlayaa sidii loo joojin lahaa dilalka iyo Qaraxyada ka dhacay Labada dhinac ee Magaalada ee Galmudug iyo Puntlad.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku soo batay dilal iyo Qaraxyo kuwaas oo intooda badan ka dhacay dhinaca Puntland, kulamadaan ayaa daba jooga kulamo mudooyinkaan ay halkaasi ku lahaayeen dhinacayada Gaalkacyo Maamula ee Galmudug iyo Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.