Banaanbax lagu taageerayay Qalbi-Dhagax oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen elellada C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa manta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanayay in dowladda Soomaaliya ay war cad ka soo saarto sababta wiilkooda loogu gacan geliyay Itoobiya.

Cali Cismaan Qalbi-dhagax oo ay qaraabo  yihiin C/Kariin Sheekh Muuse; ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay C/Kariin ku soo celiso gacanta dowladda Soomaaliya kaddibna dadkiisa iyo ehelkiisa ku wareejiso.

Banaanbaxa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa 5; Carruur ah oo Galbi-dhagax uu dhalay kuwaas oo ay u dhashay xaaskiisa saddexaad oo ku nool Muqdisho.

Xildhibaannada Golaha shacabka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed ayey banaanbaxayaasha ka dalbanayeen in ay ka qeyb qaataan dib u soo celinta Galbi-Dhagax oo 27kii August ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay Dowladda Itoobiya.

Xaaska saddexaad ee Qalb-dhagax  oo shan Sano ku nool Muqdisho ayaa banaanbaxa ka sheegtay in Qlabi dhagax ay jir dileen 20 Ciidamada AMISOM ka tirsan,sidoo kalena xusuusta laga qaaday ilaa uu ka miir daboolmo.

Haweeyneydaas ayaa wax ku doodday in Madaxweeynaha,Ra’islawasaaraha,Lataliyaha amaanka ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabad Sugidda ay Dowladda Itoobiya ku wareejiyeen Odaygeeda,waxaana ay dadka Soomaaliyeed ka codsatay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u soo celinta Odaygeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.