Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo goor-dhaw ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

deg

Ugu yaraan 2 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax Miino oo maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Magaalada Muqdisho waxaana sidoo kale ku dhawaacmay Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa aya in qarax lala eegtay Gaari ay wateen Ciidanka Dowladda waxaana qarax kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidanka Qaraxa lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa marayay agagaarka saldhig ku yaala degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana ku geryootay laba qof oo shacab ah kuwaas oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay balse waxaa la sheegay in uu jiro Khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray Ciidankii qaraxa haleelay.

La soco wixii ku soo kordha Qaraxa ka dhacay Ceelasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.