Gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo sheegay in uusan jirin Murashax iska diiwaan giliyay doorashada Hirshabeelle

Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in uusan ilaa hadda Murashax Madaxweyne oo iska diiwaan giliyay Xarunta Gudiga ee ku taalla magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Waqtiga loo balansan yahay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku beegan 14 Bishaan oo ay ka dhimantay 10 maalmood oo kaliya ayaa gudiga doorashada waxay sheegayaan in uusan jirin ilaa hada murashax iska diiwaan giliyay tartanka loo galayo Madaxtinimada Maamulkaasi Hirshabeelle kadib markii xilka laga qaaday.

Abuukar Xasan Cali Gudoomiye ku xigen Guddiga Doorashadda Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Murashaxiin Boorar ku dhagsaday Magaalada Jowhar balse ilaa hada aan iska diiwaan gilinta Xarunta gudiga.

Ugu danbeyntii gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dhamaan Murashaxiinta in ay si deg deg ah isku diiwaan giliyaan mudada yar ee ka harsan waqtiga doorashada si loogu helo waqti lagu aqriyo Documents-kooda in uu raacsan yahay Sharuudaha doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.