War Deg Deg:-Xarumaha Hir-shabeelle ee Beledweyne oo Lala Wareegay

Wararka ka imaanaya Magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya Ciidamo malatariga Dowladda federaalka Soomaliya in ay la wareegeen xarumaha Maamulka Hir-shabeelle ee Magaaladaas.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay In ay kasoo baxeyn Saldhigyadda ay ku lahaayeen duleedka Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,islamarkaana haatan ay ku sugan yihiin xarumaha maamulka Hhir-shabeelle ee magaaladaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka hiiraan oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in khilaafka ka jira Hir-shabeelle ay sabab u tahay Ciidamada la wareegay xarumaha maamulka Hir-shabeelle.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Jimcihii aynu soo dhaafnay Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiran loogu dhawaaqay Maamul la magac-baxay Hiiraan-land iyadoo madaxweyne loogu dhigay Cali C/laahi Osoble, oo ay xilka ka qaadeen xildhibaanada Baarlamanka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.