Madaxweynaha Soomaali-land oo dib ugu soo laabtay Hargeysa kadib Qaliin loogu soo sameeyay Imaaraadka.

Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi, kadib safar caafimaad oo uu ku aaday dalka Imaaraadka Carabta kaas oo qaatay ku dhawaad 20 Cesho.

Xuseen Aadan Cige “Deyr” Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Siilaanyo in dalka uu ka baxay 18-kii August ee sanadkan, qaliin fududna uu ku galay Magaalada Abu Dubai ee Dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxtooyada Soomaaliland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa in ay la socdeen qaar ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakilada, xaaskiisa, xogheyntiisa iyo xubno kale kuwaas oo la soo qaatay Safarkiisa Islamarkaana kula sugnaa Dalka Imaaraadka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.