Masar oo ka hadashay weerarkii Buulo-Gaduud

war qorqal ah oo ka soo baxay Dowlada masar ayaa lagu cambaareeyay weerarkii dagaalamayasha Al-shabaab ay Shalay subax Ku qaadeen deegaanka Buulo-Gaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Masar waxa ay sheegtay in  ay garab taagan  tahay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo islamarkaana ay   cambaareynayso weerarkii qasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamadda dowladda Soomaliya ee ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud ee Gobalka jubada Hoose.

“Waxaan garab taaganahay dowladda soomaliya, waxaan ka caawinaynaa dhinaca amniga, ka dowladd ahaan waxaan cambaareynaynaa weerarkii shalay lagu qaaday deegaanka Buulo-Gaduud ee duleedka Magaaladda Kismaayo ee Ciidamadda Dowladda ay ku sugan yihiin”, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada dowladda masar.

Masar ayaa xariir wanagsan la leh Dowlada Soomaaliya waana dowladii ugu horeysay ee ka hadasha weerarkaas oo la aaminsan yahay in lagu dilay Ciidan badan oo ka tirsan Jubbaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.