Puntland ” waxaan qabanay dadkii diyaariyay Qaraxyadii ka dhacay Af-Urur”

Saraakiisha amaanka Maamulka puntland ayaa sheegay in ay soo qabteen shakhsiyaas la aaminsan yahay in ay diyaariyeen qaraxyadii maalintii Ciidda ee todobaadkaan ka dhacay deegaanka Af-Urur ee puntland.

Gaashaanle dhexe Cabdirashiid Cabdirahim Ismaciil Taliyaha ciidanka madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa sheegay in arintaan ay ku qaadatay laamaha amaanka muddo 48-saac islamarkaana haatan gacanta lagu Haayo maskaxdii ka danbeysay diyaarinta qaraxyadaasi inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegayo Dad Shacabka ay Ciidamada qabteen.

Taliyaha ayaa sheegay in dadkaan la qabtay ay isugu jiraan rag iyo dumar warbaahintana loo soo bandhigi doono Markii uu dhamaado Baaritaanka Ku socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.