Deegaanka Buulo-Gaduud oo saakay deggan

Wararka saakay Naga soo gaarayo deegaanka Buulo-Gaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka jubada Hoose ayaa soo sheegayo in saakay ay xaalada tahay mid dagan.

Deegaanka Buulo-Gaduud ayaa shalay subax waxaa Ku dagaalamay Ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya Dowlada iyo dagaalamayasha Al-shabaab dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Goob joogayaal ayaa Idaacada kulmiye u sheegay in maanta ay xaalada dagan tahay Waxaana deegaanka Ku sugan Ciidamada Jubbaland inkastoo laga dareemayo raadadka dagaalkii shalay ka dhacay.

Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Buulo-Gaduud la geeyay shalay ayaa laga dareemayaa feejignaan iyo taxadar gaar maadaama shalay Khasaaro culus Jubbaland ka soo Gaaray weerarkii Al-shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.