Dowladda Soomaliya oo Maanta Ka Hadlaysa Arinta Abdikariin Qalbi-Dhagax

qalbi dhagax

Sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonan karo Dowladda Soomaliya ayaa maanta ka hadli doonta  arinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa saraakiisha sar sare ee Ururuka ONLF ee dagaalka kula jira Dowadda Ethopia.

Madaxda Dowladda Soomaliya ayaa la sheegay in maalmihii dambe ay ka arinsanayeen arinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kadib markiii mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed ay si aad kaga hadleen sida loo fududeeyay in qalbi dhagax loo gacan gacan galiyo dowladda Ethopia, oo dhankeeda xaqiijisay arintaas.

Lagama sii hordhici karo sida uu noqonayo go’aanka Dowladda Soomaliya ee ku aadan gacan galinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa saraakiisha sare sare ee Ururuka ONLF ee dagaalka kula jira Dowadda Ethopia.

Dowladda Ethopia oo dhawaan war kooban soo saartay ayaa sheegtay in Qalbi dhagax ay dowladda Soomaliya usoo gacan galisay islamarkaana uu kamid ahaa saraakiil badan oo dhibaatooyin u geysay shacabka Ethopiyanka.

Dhanka kale Af-hayeenka Jabhadda ONLF oo ka hadlay Go’aankii Qalbi Dhagax Ethiopia loogu gacan galiyey ku sheegay in ay mas’uuliyeeda leeyihiin afar xubnood oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kala ah.

1-Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. 2-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. 3-Cabdullaahi Max’ed Cali (Sanbaloolshe) Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed. 4-iyo Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo ah La taliyaha dhanka amaanka Madaxweyne Farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.