Qarax Xalay ka Dhacay Magaaladda Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaaladda boosaaso ee Xarunta Gobolka bari ayaa ku waramaya in Qarax bam xalay  laga maqlay Gudaha Magaaladaas.

Qaraxa ayaa lagu tuuray sida ay sheegeen laamaha amniga magaaladda Boosaaso ee gobolka bari kaalin shidaal ah, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaan.

Ilaa haatan lama garanayo sababta loo bartilmaameesaday kaalinta shidaal, waxayna kusoo beegmaysaa arintaan iyadoo dhowaan qarax midkaan ka xoog badan lagu dhuftay matoor ay lahayd shirkada isgaarsiinta ee Somtel ee Magaaladda Boosaaso.

Puntland ayaa dhawaan sheegtay  inay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab cadaadis iyo handadaad ku hayaan ganacstada magaalada Bosaaso, iyagoo si xoog ah uga qaata lacago canshuur ah, lama oga inay arrintaas xiriir laleedahay dhacdadii xalay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.