Wiil Dhalinyaro ah oo Xalay lagu dilay Garowe

Wararka laga helayo Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Xalay Magaalada Bartamaheeda lagu dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mida Dadka ku nool Magaalada Garowe.

Marxuunka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Jibriil Cabdulaahi Cawad,waxaana Tooreey ku dhuftay Wiilkale oo dhalinyaro ah,iyadoo uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray Tooreydii lagu dhuftay.

Ciidamada Ammaanka Magaalada Garowe ayaa wada Baaritaan ay ku raadinayaan Ciddii ka dambeysay  Dilka Wiilka Dhalinyarada ah,mana jirto weli wax War ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland iyo Laamaha Ammaanka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.