Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo Eedeyn u Jeediyay Xildhibaanada Hirshabelle iyo Dowlada Dhexe

Cumar Aadan “Cumar Baadiyow” Gudoomiyaha gobolka Hiiraan   ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Hiiraan ay ka tashadeen maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha  ayaa sheegay in  maamulka Hirshabeelle la burburiyay, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay arintaasi ay ka dambeysay.

Sidoo kale Gudoomiye Cumar Baadiyow ayaa waxaa uu Dowlada Dhexe iyo Baarlamaanka Hirshabelle ku Eedeeyay in ay jabiyeen  dastuurka.

Dhawaan aay aheyd Markii  Cali Cabdullaahi Cosoble  oo Ahaa Madaxweynihii Maamulka Hirshabelle ay Xilka ka qaadeen Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle,Waxaa uu Cosoble hada ku sugan Yahay Magaalada Baladweyne ee G.hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.