Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo Gaaray Magaaladda Gaalkacyo

Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa maanta gaaray Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.

Madaxweyne ku-xigeenka Waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiiro ka Tirsan Maamulka Galmudug.

Wafdigan ayaa saaka safar dhulka ah uga soo ambabaxay Magaalada Cadaado fadhiga Galmudug, Galkacyo iyo Cadaado ayaa isku jira 130km.

Ujeedada safarka Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa colaad ka soo cusboonaatay tuulooyin hoos taga Galkacyo.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug  ayaa Galkacyo kula kulmi doona Madaxweyne ku xigeenka Puntland, iyo waxgaradka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.