Dabley Hubeysan oo Afar qof ku dilay Gobalka Nugaal

Wararka Ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay Sheegayaan in kooxo hubeysan ay Afar ruux  ku dileeb gobalkaasi,sida ay Idaacaddda Kulmiye u  sheegeen  Dadka Deegaanka.

Balse Dilka ayaa Waxaa uu  ka dhacay sida la Sheegay xuduuda Gobolada Sool Iyo Nugaal,inkastoo dadka deegaanka Falkan Dilka ah u sababeeyeen  inuu salka ku haayo aanooyin qabiil oo horay u dhacay.

Dadka Xoolo dhaqatada ah ee la dilay, ayaa la sheegay markii la dilaayay inay ku sugnaayeen guryahooda, kadibna dabley hubaysan oo aargoosi u socda ay dadkaasi dileen, kadibna ay baxsadeen.

Xoola Dhaqatada la dilay iyo kuwa wax dilay ayaa labadaba waxa ay ka soo jeedaan Puntland, Balse  arintaan durba Waxaa ku baxay Odayaasha Dhaqanka Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Inta badan Deegaanada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhacaya Falalka Aanooyinka Qabiilka,Taasi oo Saameyn ku yeelatay Shacabka ku dhaqan deegaanadaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.