Axmed Madoobe oo xabsiga udhaadhiciyey Shacab badan oo ubanaanbaxyey Labo Dhagax

Wararka naga Soo gaaraya Magaalada kismaayo ayaa Waxaa ay Sheegayaan in Ciidamada Amaanka jubbaland ay Xabsiga Dhigeen Qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada Kismaayo.

Dadkan ayaa waxaa ay banaan bax ay kaga Soo horjeedaan Sababta ka Dambeysay in Dowlada Soomaaliya ay u gacan geliso Dowlada Itoobiya Cabdixakiim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka mid ahaa  saraakiisha ugu sarraysa ururka ONLF. Muddadii ugu dambaysa waxa uu ku dhuumaalaysanaayey gudaha Soomaaliya.

Amarkan lagu Xiray Dadkan Shacabka ayaa Waxaa bixiyay madaxda ugu Sareysa ee Maamulka jubbaland,sida ay idaacadda kulmiye u sheegeen Qaar ka mid ah Ehelada Laga Xiray Dadkooda,islamarkaana Diiday in magacooda loo adeegsado Warbaahinta.

Dadka la Xiray ayaa Tiradooda waxaa ay Gaareysaa ku dhawaad 40 qof,inkastoo Ciidamada Amaanka Jubbaland ay Baadi goobayaan Dad kale oo la Sheegay in iyagu ay baxsadeen,Maadaama Xiliga Howlgala uu socday oo dadka la qab-qabanayay Qaarkood ay goobta ka Carareen.

Maamulka Jubbland ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in dhibaatooyin kala duwan loo geysto Siyaasiyiinta Caanka ah ee ka Soo jeeda Deegaanada jubooyinka iyo gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.