Al-Shabaab oo odayaal ku dilay Degmada Ceel-Waaq ee Gobalka Gedo

Wararka  Naga soo gaaraya degmada ceel waaq ee gobolka gedo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay labo kamid ah oday dhaqameed- degnaa  degmada  ceelwaaq  kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Cabdi raxmaan Ugaas Cali iyo Aadan Macalin Caliyoow.

Dilka labadan oday  ayaa yimid kadib markii ay guryahooda ka ka xeysteen  rag hubeysan oo gaarayay ilaa 10 qof  sida uu idaacada kulmiye u xaaiijiyay gudoomiyaha degmada ceel waaq ee gobolka gedo ibraahim guuleed  Aadan waxaana uu intaas ku daray in odayaasha lagu dilay meel suuq ah,isagoona Dilkaasi kuu Eedeeyay inay kambeeyeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale  Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ragii geystay dilka ay iskaga baxsadeen goobta  ay falka ka geysteen,waxaa  uu Xusay  in amaro ay  ku soo rogeen in xiliyada habeenkii ah Gaadiida iyo Mooto,kaasi oo ku aadanaa  aysan magaalada soo gali Karin sababo uu ku sheegay dhanka amniga

Gobolka gedo ayaa waxaa ku soo laab laabtay dilalka loo geysto dadka shacabka ah,hayeeshee 27-kii bishii aynu soo dhaafnay ayay aheyd  markii darawal lagala degay gaarigii uu waday,islamarkaana la dilay,iyadoo maamulka degmada ceel waaq uu sheegay in ay dilalkaas  ay ku eedeynayaan  ururka Al-shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.