(daawo Sawiro)Meydadka shacabkii lagu dilay Bariire oo maanta la aasayo iyo dowladda oo magdhaw bixineysa

Meydadka dadkii lagu dilay weerarkii Bariire ayaa maanta lagu wadaa in la aaso , kaddib is afgarad dhex maray dowladda Soomaaliya, odayaasha iyo ehelada dadkii laga dilay.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Meydadka oo gaaraya illaa 10 ayaa goor dhow lagu wadaa in la aaso, iyadoo laga soo saaray Talaajadii ay ku jireen Meydadkaas oo muddo todobaad yaallay isbitaal.

 

Xildhibaano iyo Senator ka tirsan Aqalka sare, odayaasha iyo ehelada dadkii laga dilay ayaa ka qeyb galaya aaska.

Dowladda Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isku afgartay in meydadka la aaso, isla markaana la bixiyo magdhaw, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dowladda ay qofkiiba ka bixineyso lacag gaareysa $70,000 (Todobaatan kun oo dollar).

Natiijadii ka soo baxday baaritaanka dadkii lagu dilay Bariire ayaa lala wadaagay ehelada dadkii laga dilay, waxaana lagu wadaa in maanta la soo bandhigo.

Golaha Wasiirada ayaa suura gal ah in shirkooda khamiislaha ah inay ka soo saaraan war saxaafadeed ku saabsan kiiskii Bariire iyo baaritaanka ay sameeyeen Guddigii xaqiiq raadinta ahaa,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.