Golaha Ammaanka oo Mudo kordhin u sameeyay Howlgalka AMISOM

amisom

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  ee loogu yeero AMISOM u kordhiyey muddada ay dalka sii joogayaan, waxaana oggolaanshaha cusub uu dhigayaa in ay joogi garaan tan iyo 31 Maajo 2018. Golaha ayaa sheegay in ay indhaha ku haynayaan muddadaas oo la doonaayo in ciidanka Soomaaliya ay amniga kala wareegaan AMISOM.

Ciidamada ka socda AMISOM ayaa ka badan 22 000 oo askeri iyo shaqaalahooda rayidka ah, waxaana ay Soomaaliya joogeen tan iyo sanadkii 2007. Golaha Amaanka ayaa go’aamiyey in hoos loo dhigo tirada ciidanka AMISOM, lana gaarsiiyo 20,626 oo ay ku jiraan 1040 Boolis ah tan iyo Oktoobar 2018,  askarta ugu horeysa ee ka abxay Soomaaliya ee AMISOM ayaa loo qabtey bisha Diseembar 2017, waxaana golaha amaanku isha ku haynayaa sida dowladda federaalku ugala wareegi karto amniga.

Qorshaha joogitaanka AMISOM ayaa ku ekaa sanadka 2018, sida Golaha Amaanku horey u go’aamiyey, waxaana la is weydiinayaa in Soomaaliya diyaar u tahay in ay amnigeeda lawareegto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.