kheyre oo sheegay inuu dagayo degmo ka mida degmooyinka muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu bilaabi doono howl aanay horay u sameyn Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray dalka, isagoo ka dhawaajiyay inuu ka guuri doono Madaxtooyada oo uu degi doono mid ka mid ah xaafadaha Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay si toos ah su’aalo looga weydiinayay barnaamijka kulanka Saxaafada iyo Xukuumadda ayaa la weydiiyay su’aal aheyd inuu shacabka soo dhex geli doono.

Xasan cali Kheyre ayaa sheegay inuu diyaari u yahay inuu shacabka soo dhex galo, isla markaana marka laga baxo Ciida muddo bil gudahood la dhisi doono Guri Ra’iisul Wasaaraha degi doono oo ka baxsan Madaxtooyada.

“Haddii Alle yiraahdo marka laga baxo ciida, muddo bil gudahood waxaa bilaabi doonaa shaqo aan horay looga sameyn dalka, waxaa loo dhisi doonaa Ra’iisul Wasaaraha guri ama dhismo aan ka dhoweyn halkan oo ah xaafadaha magaalada muqdisho mid ka mid, shacabka waa soo dhex galeynaa, aniga iyo Wasiiradeyda kama naf wanaagsani shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan aheyn kaliya Jidka Maka Al-Mukarama, waxaa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la ogaado in Muqdisho ay ka kooban tahay 17 degmo, isla markaana ay muhiim tahay in Amniga laga shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tan iyo markii la magacaabay bishii February ee sanadkan degenaa Guriga Martida Madaxtooyada oo loo yaqaano Villa Uganda, halkaasoo Hoy iyo xafiis u aheyd, waxaana xafiiskiisa iyo kan Madaxweynaha ay isu jireen wax ka yar illaa 200 mitir.

Waxaa horay u jiray talooyin Madaxweynaha u siiyay Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in Madaxtooyada uu ka guuro, isla markaana dego xaafadaha Muqdisho, si dowladda ugu fido magaalada inteeda kale, waxaana jiray warar la isla dhex marayay oo sheegayay in Ra’iisul Wasaaraha uu degi doono Xarunta Villa Baydhabo oo ku taal degmada Wadajir, kuna dhow Isgoyska Zoobe.

Haddii Ra’iisul Wasaaraha ka dhabeeyo balan-qaadkiisa ah inuu degayo meel ka baxsan Madaxtooyada waxaa uu noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii u horeeyay ee dega banaanka Madaxtooyada, marka laga reebo Ra’iisul Wasaarihii dowladdii KMG Cali Maxamed Geeddi oo xilligii dowladdii KMG u soo guurtay Muqdisho sanadkii 2007-dii uu degenaa Guri ku yaalla degmada C/casiis, iyadoo bishii May ee sanadkii 2007-dii weerar is qarxin loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qaaday hoygiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.