Dawlada maraykanka oo qirtay inay ciidamadeeda ay ka qeyb qaateen dagaalkii bariire

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika Africom ayaa qirtey inay ciidamo Maraykan ah ka qeybgaleen howlgal weerar oo dhulka ah kuwaasoo lagu qaaday deegaanka Bariire toddobaadkii la soo dhaafay, ayna baarayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ay weerarkaa ku dhinteen.

Sida ay daabacday wakaalada wararka Reuters Africom ayaan jawaabo ka bixin su’aalo dheeri ah oo howlgalka laga weydiiyay, balse howlgalkaas ayaa ah kii  labaad ee ay ciidamada Africom qirteen inay ka qeybqaateen sanadkan iyadoo howlgalkii hore uu ku geeriyooday mid kamid ah ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan  Navy Seal bishii May ee sanadkan.

Bishii March ee sanadkan ayuu Madaxweyne Trump siiyay awood dheeraad ah oo ay ciidamada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ka howlgala  weeraro ku qaadi karaan iyagoo aan la soo weerarin.

Howlgalada ciidamada Maraykanka ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya intii u dhexeysay bishii May illaa iyo August eesanadkan ayaa gaaraya illaa siddeed howlgal halka guud ahaan sanadkii hore ee 2016 uu ka ahaa 13.

Saraakiil ka tirsan dowlada Maraykanka ayaa dhaliilay xogaha sirdoonka ah ee ay helaan ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Soomaaliya waxana ay sheegeen inay aad uga liitaan kuwa ay helaan ciidamada Maraykanka ee ka howlgala dalalka Ciraq iyo Syria.

Maydadka dadkii lagu diley weerarkii lagu qaaday toddobaadkii la soo dhaafay deegaanka Bariire oo illaa 50km u jira caasimada Muqdisho ayaan weli la aasin waxaana lagu wadaa in guddi dhowaan ay dowlada u xilsaartay baaritaanka dhacdada Bariire inay berri oo Khamiis ah ay soo bandhigaan natiijada baaritaankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.