Mahad Salaad oo sheegey in “Qalbi Dhagax uu muqdisho joogay 3 sano ayna dawladu ku dhiibtay 6 bilood

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si kulul ugu weeraray dowladda Soomaaliya tallaabada ay Itoobiya ugu gacan gelisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jabhadda ONLF.
Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax uu muddo 3 sanno uu reer Muqdisho ahaa, isla markaana si nabadgelyo ah uu ku joogay.

Qoraalka uu Xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidan u qornaa:-

ABDIKARIIM QALBI DHAGAX MA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED AYUU DANBI KA GALAY?!

1. Abdikariim Qalbi Dhagax sadex sano ayuu reer Mogadishu ahaa si nabad gelyo ahna ku joogay.

2. Madaxweyne Farmaajo 6 bilood iyo 20 cisho ayuu ku dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax isaga oo aan u sababeyn Umadda Soomaaliyeed ee uu mas’uuliyada u haayo!

3. Majiro heshiis ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhigaya inla isweydaarsado dadka looga shakisanyahay inay danbiyo ka galeen labada dal midkood.

Sidaas daraadeedna Madaxweynuhu wuxuu danbi ka galay Dalka, Dadka Soomaaliyeed iyo Dastuurka Qaranka waana in lagula xisaabtamaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.