(Sawiro) Ra’iisal wasaare Kheyrre oo maanta soo xiray Shirka Qaxootiga Soomaalida ee Ka socday magaalada Muqdisho

Xasan Cali kheyrre ra’iisal Wasaarada Soomaaliya ayaa maanta  soo xiray shirkii mudada saddexda maalmood ka socday Magaalada Muqdisho Kaas oo looga hadlaayay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qaxootiga Soomaalida ee dib usoo laabanaya.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada arimaha Gudaha ee Xukumada Soomaaliya Waxaana taageeraya hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee magaceeda loo soo gaabiyo UNHCR Waxaana mudada uu socday ka qeyb galay mas’uuliyiin badan.

Reysulwasaaraha Xasan cali kheyre oo shirka qudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay sababaha ay dalka uga tageen muwaadininta soomaaliyeed wuxuuna dardaaran udiray dhaliyarada hada soo ka ceyso reysulwasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in muwaadininta cidna marti igu noqon doonin dalkooda hooyo islamarnkaan dib udajin loo sameyn doono dadka dib ugu soo laabanaya.

Shirkaan ayaa noqonayo shirkii ugu horeeyay ee loogahadlayo aqoxootiga dib ugu soo laabanaya gudaha dalka islamarkana ay ka soo qeyb galaan masuuliyiin ka socotay maamulda dalka ka jira.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.