Gudiga ay Dowladda Soomaaliya u xil saartay in ay soo baaraan weerarkii Bariire oo maanta soo gaba gabeynaya Baaritaankooda.

Gudiga ay Dowladda Soomaaliya u xil saartay dhibaatadii ka dhacday deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaba gabeeyaan Baaritaankooda kadibna ay warbixin u gudbiyaan Madaxda Dowladda Soomaaliya Warbixintaas oo ku aadan Weerarkii ka dhacay Bariire 25-kii Bishaan.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo maalintii Sabtida ee 26-kii Bishaan ku dhawaaay gudiga oo ka kooban 5 Xubnood oo heer wasiir ah ayaa sheegay in Baaritaankooda iyo Waqtiga la siiyay Gudiga oo Shan maalmood ah uu ka bilaabanayo Maalintii Sabtida waxaana mudadaas ay ku egtahay maanta.

Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Gudiga ay soo gaba gabeeyeen Baaritaankooda maalinta biri ahna Shirka Golaha Wasiirada looga dhawaaqi doono Natiijada Baaritaakii ay Sameeyeen.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow oo gudoomiye u ah Gudigaan ayaa Isbuucaan kulamo badan la qaatay odayaasha dhaqanka ee dadka ku dhintay weerarkaas sidoo kale waxa ay gudiga Baarayaal Xaqiiqo raadin ah ay dirsadeen todobaadkaan ay gaareen deegaanka Bariire lana kulmeen Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose, Maamulka deegaanka Bariire, Odayaasha deegaanka iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan deegaankaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.