deg deg:Dagaal Beeleed ka socda duleedka Magaalada dhuusamareeb ee G/Galgaduud.

Dagaal Beeleed u dhaxeeyo Labo maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah ayaa maanta ka bilaawday deegaanka Mirrig ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud.

Dagaalka oo wali ka socda deegaankaasi Mirrig ayaa la soo sheegaya in ay dad ku dhinteen kuwa kalane ay ku dhaawacmeen mana jirto ilaa hada cid kala dhax gashay dagaalkaasi.

Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in dagaalkaan maanta ka socda Mirrig oo ah deegaan ku yaala duleedka magaalada Dhuusamareeb uu daba joogo dilal hore uga dhacay deegaankaasi wax uuna u dhaxeeya maleeshiyo Hal beel ka soo jeedo.

Shacabka ayaa bilaabay in ay ka barakacaan deegaankaasi waxayna qaarkood gaareen Magaalada dhuusamareeb e Xarunta Gobalka Galgaduud

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.