Guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo bilaabay qabashada codsiga Musharaxiinta

Guddiga doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in la bilaabay qabashada codsiga musharaxiinta u taagan xilkaas.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Abuukar Xasan Cali (Maqaney) ayaa sheegay in Guddigooda uu guda galay howlihii loo xil saaray ee diyaarinta doorashada Madaxweynaha.

Waxaa uu sheegay in Guddiga uu bilaabay inuu qabto araajida Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Guddiga ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Jowhar waxay kaga hadleen shuruudaha laga doonayo Musharaxa iyo xilliga ay ku egtahay qabashada araajida, iyadoo la filayo inay goor dhow soo saaraan jadwal rasmi ah.

Wariye ku sugan magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya inuu bilowday dhaq dhaqaaqyo la xiriira howlaha doorashada, waxaana lagu wadaa in Musharaxiinta ay labada maalmood ee ugu soo horeysa yimaadaan magaalada.

Waqtiga uu Guddiga heysto ee doorashada Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inay tahay mid aad u yar, iyadoo dad badan ay is weydiinayaan in 15 maalmood gudahood lagu qaban karo doorashada Madaxweynaha.

14-kii bishan ayay aheyd, markii Xildhibaanada Hirshabeelle ay kalsoonida kala laabteen Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble, iyadoo muddo 30 cisho ay tahay in lagu soo doorto Madaxweynaha, sida uu dhigayo Dastuurka Hirshabeelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.