Wasiirka Waxbarashada oo sheegay inta badan Jaamacadaha dalka aanay Tayo laheyn

wasiir

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa si kulul u weeraray jaamacadaha dalka ka howl gala, oo uu ku tilmaamay in aanay badankood gaarsiisneyn tayadii waxbarashada dugsiyada sare ee xilligii kacaanka.

Wasiirka oo wareysi siiyay Telefishinka Goobjoog TV ayaa sheegay in Jaamacadaha qaar ay tayadooda liidato, isagoo xusay inay hadda soo badanayaan Jaamacadaha dalka laga hirgelinayo.

“Jaamacadaha tayadooda way liidataa, wax la qarin karo ma ahan, magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla 50-meeyo Jaamacadood, oo waliba qaarkood Dugsiga sare ayaa ka tayo fiican Secondary-gii aan aqoon jirnay ama qaarkood waa ka hooseeyaan Primary level, marka in tayada ardayda ka soo baxaysaa ay macno lahaan waayaan wax lala yaabo ma ahan, haddii ay kasoo baxaayaan jaamacadahaas”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Waxaa uu sheegay in sababaha Jaamacadaha qaarkood ay tayo u lahaan waayaan ay tahay sharci la’aan dalka ka jirtay iyo mas’uuliyad daro dadka qaar oo doonaya inay iska sameeyaan wixii ay doonaan, iyagoo aanay dadka u naxeyn.

“Sababaha waxaa keenaya dhowr waxyaabood, kow dalka oo muddo dheer dowlad la’aan ahaa, cid walba cid maamuleysa, iyo cid wax ka maqleysa aysan jirin, meesha waxaa ka baxay dhaqankii sharciga, sidoo kale tan labaad waa in Mas’uuliyadii la qaadan waayay oo qofka wixii uu doono sameynayo”ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhowaan dhameystireen shuruucdii lagu maamuli lahaa waxbarashada dalka oo ay ku jirto heerka saddexaad ee tacliinta sare, taasoo uu xusay in Wasaaradda ay siineyso awood ay ku ilaaliso tayada waxbarashada dalka.

Jaamacadaha ayaa badankood ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana qaarkood la aas aasay xilliyo isku dhow, waxaana dad badan ay dood adag ka keeneen kororka Jaamacadaha oo ay dhici karto in hal degmo kaliya ay ku yaalaan in ka badan 10 jaamacadood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.