Gudoomiye Cusmaan” Doorashada Hirshabeelle si Caddaalad ah ayay ku dhaceysaa”

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay in doorashadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ay ku dhici doonto Si Caddaalad ah oo ay ku qanacsan yihiin dhammaan Bulshadda kunool degaanada maamulka Hirshabeelle.

Guddiga doorashadda ee uu shalay Magacaabay ayuu sheegay in si weyn loo lala xisaabtami doono.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashadda laga ilaalin doonto Musuqmaasuq.

Gudoomiyaha ayaa shalay Magacaabay sagaal xubnood oo loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan doorashadda Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa bartamihii bishan kalsoonida kala noqday Madaxweynihii Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar.

Dastuurka maamulka Hirshabeelle ayaa dhigaya in mudo 30 cisho gudahood ah lagu doonayo in maamulka uu yeesho Madaxweyne cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.