Burundi oo badalaysa labo guuto oo ka tirsan howlgalka midowga Afrika ee Amisom.

Wadarta Ciidamo gaaraya 1,819 askari oo ka Tirsan Ciidamadda Burundi ee Guutooyinka 44 aad iyo 45 aad ayaa bilaabay in ay Badalaan Guutooyinka 38 aad iyo 39 aad ee ku jira Howlagalka Midowga Africa ee Soomalia AMISOM, sidaas waxa Taladadii shaaciyay Afayeenka Ciidamadda Burundi.

“ Qaarka mid ah ciidamadda horay ayaa Soomaaliya loo geeyay, balse tiradda ugu badan manta ayey ­ubaxayaan Somaalia” ayuu yiri Col.  Gaspard Baratuza oo ah afayeenka Ciidamadda Burundi.

Baratuza waxaa uu yiri Ciidamadda Burundi ee la shaqeeynaya AMISOM “waxay Mudanyihiin in Shaqadooda lagu Amaano”  iyadoo howlgalkuna uu Caqabaddo wajahayo.

Dowladda Brundi waxaa ay ka mid tahay Dowladaha sida weeyn uga qeeyb qaata Howlagalka AMSIOM ee Soomaaliya.

Waqti hore ayey dowladda Burundi ku goodisay in ay Ciidamadeeda kala Baxayso Soomaaliya Kadib markii ay Waayeen Mushaaarkii Ciidamadda Muddo 12 Bilood ah.

Dhamaan wadamadda ka qeeyb qaata Howlagalka Midowga Africa ee Soomaliaya ayaa Badaladda Ciidamadooda Howgalka ku jira marka ay dhameeystaan muddo Cayiman oo ku qeexan Howlagalkooda.

Afayeenka  Ciidamadda Burundi ma’uusan sheegin Gobolka ay sida Gaarka ah Ciidamdoodu uga howlagalayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.