Ahlusunna oo Ciidamadii ugu badnaa geysay duleedka Xeraale.

Sida ay noo Xaqiijiyeen dadka deegaanka ee ku sugan Magaalada dhuusamareeb eexl xarunta Gobalka Galgaduud maamulka Ahlusunna ayaa shalay galab dhuusamareeb ka diray Ku dhawaad 10 Gaadiidka dagaalka oo ay la socdaan Ciidamo badan kuwaas oo dulaan Ku ah deegaanka xeraale ee Gobalka Galgaduud.

Sidoo kale Gudoomiyaha deegaanka Xeraalle ee Galmudug Bashiir Daahir Dhaga-badan ayaa Idaacada Kulmiye u sheegay in ciidamo badan iyo Gaadiidka dagaalka oo hub culus Ku xeran yahay ay Ahlusunna keentay duleedka deegaanka Xeraale oo dhawaan lagala wareegay.

Guud ahaan deegaanka xeraale ayaa kaga dareemayaa Maanta Xiisad dagaal Waxaana durba bilaabay in ay ka baxaan qolaal shacab ah oo dhawaan dib ugu soo laabtay guryahood kadib markii Ahlusunna Halkaasi laga saaray.

Galmudug ayaa Ku baaqday in La joojiyo colaad kale oo ka dhacda Xeraale waxayna Dowlada Soomaaliya ka dalbadeen in ay wax ka qabato Abaabulka Ahlusunna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.