Booliska Kenya oo lagu eedeeyay Tacadiyo ku dhan ah Bini-aadinimada

Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ay jiraan tacadiyo waa wayn ay Shacabka u geysanayaan Booliska Kenya..

Hay’adda ayaa ugu baaqday Dowladda Kenya in ay baaritaan deg deg ah ku sameyso rabshadihii dalkaasi ka dhacay bartamihii bishaan oo ay dad shacabka ah waxyeelo ka soo gaartay.

Otsieno Namwaya oo ah cilmi baaraha Qaarada Afrika u qaabilsan Human Rights Watch ayaa waxa uu Dowlada ka dalbaday in ay hubiso Saraakiisha qaaska ah ee ku lug lahaa xad gudubkii lagula kacay dad ka Rayidka ah kuwaasi oo ka careysnaa Natiijadii Gudiga Doorashada ay soo saareen oo uu ku guuleystay Madaxweynaha la doortay Uhuru Kenyatta.

Hay’addu waxay sheegtay in Kenya ay iska indha tireyso dhibaatooyinka ay geesteen Ciidankeeda Balse arintu ay tahay wax aan laga aamusi karin oo u baahan in Baaritaan dhab ah lagu Sameeyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.