Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad oo ka dhacay Gobolka Mudug

Dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw degaanka Godad ee Bariga Gobolka Mudug.

Dagaalkaan ayaa la xiriira dilal todobaadkan ka dhacay isla Gobolka Mudug, waxaana la sheegay in xiisadda ay taagneyd maalmihii lasoo dhaafay.

Xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay labada maleeshiyo beeleed inuu dagaal ku dhexmaray duleedka degaanka Godad, dagaalkaasi oo mar kale saaka laga maqlay duleedka degaankaasi.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa geeriyootay, halka dhaawac ay yihiin 7 ruux oo isla dhinacyadii dagaalamay ah.

Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Koonfureed ayaa la soo gaarsiiyay dhaawacyada saddex ruux oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii dagaalamaayay, halka Afar ruux kalena la sheegay in loo qaaday dhanka Isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo.

Gobolka Mudug muddooyinkaan dambe waxaa ka taagnaa xiisada la xiriirta dilalka salka ku haayo aanooyinka qabiilka ee u dhaxeya maleeshiyo beeleedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.