Shacab Lagu Rasaaseeyay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Kooxo hubeysan ayaa weerar jidgooyo ah oo qasaaro dhaliyey ku qaaday gaari Rakaab ah oo marayey Duleedka Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug sida ay xaqiijiyen Ilo lagu kalsoon yahay.

Inta la xaqiijiyey 3-ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay 3-ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar koox Hubeysan ay ku qaadeen gaari rakaab ah oo marayey inta u dhexaysa deegaanka Bandiiradlay iyo Tuulada Laan-waaley oo dhaca Koonfur Galbeed Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo ka mid ah deegaanada Galmudug.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Mudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa Xaqiijiyey Weerarka lagu bartilmaameedsaday dadka rayidka ah wax ayna sheegeen in baaritaan ku hayaan dhacdada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.