Akhriso:-Ciidamada Kenya oo Qarax Lagula Eegtay Magaaladda Mandheere

Ugu yaraan laba askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Kenya  ayaa la dilay Isniintii markii lala eegtay qarax Miino oo la dhigay wadadeeda dhinaceeda magaalada Damasa Lafey ee Mandheera.

Saddex kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Shaqaalaha ammaanka ee degaanka ayaa sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay qaraxa ku aaseen wadadda dhinaceeda.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay goobaha caafimaad ee Magaaladda mandheere ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Isku duwaha gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saleh ayaa sheegay in uusan helin faahfaahin buuxda ee dhacdada qaraxa la xiriirta, balse ay dib kasoo gudbin doonaan wixii ksoo kordha qaraxa ka dhacay magaalada Damasa Lafey.

In ka badan 50 shaqaale ammaan ah ayaa hadda lagu dilay weerarro kala duwan oo ka dhacay gobalka tan iyo May 2017. Weerarrada waxaa soo qaaday dagaalyahannada al-Shabaab.

Bishii Agoosto 15keedii, shan askari oo bilays ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay al-Shabaab ku qaadeen Waddada Bodhai-Ijara, Magaaladda Gaarisa.

Kow iyo toban ka mid ah saraakiisha ammaanka ayaa lagu dilay Degmooyinka Mandheera iyo Gaarisa inta u dhaxaysay May 22 ilaa May 25-keedii saddex weerar oo kala duwan,toban kale ayaa lagu dilay Baure, Gobolka Lamu laba weerar oo kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.