Madaxweynihii hore ee hirshabeelle oo maanta gaaray Baledweyne

Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle ee ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada maamulkaasi ayaa maanta gaaray Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa la socday xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa wali sheegaya in uu yahay Madaxweynaha Sharciga ee maamulka Hirshabelle, islamarkaana xilka qaadistii lagu sameeyay aysan sharciga waafaqsaneyn.

Markii uu kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baledweyne ayaa loo galbiyay Xarunta maamulka gobolka Hiiran.

Waxaa lagu waddaa in uu la kulmo waxgaradka Magaalada Baledweyne ,islamarkaana uu ka dhaadhiciyo in uu yahay Madaxweynaha Sharciga ah.

Intii uu xilka haayay ayaa lagu xasuustaa in ku dhawaad 7 degmo uu u magacaabay gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.