Saddex caruur oo ku geeriyootay Gobolka Mudug

mii

Saddex caruur ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen degaanka Docolo-oomane ee gobolka Mudug, kadib markii ay miino ku qaraxday.

Caruurtaan ayaa ku ciyaarayay miinada oo dhulka ku aasneyd, waxaana la sheegay in dhagax ay soo qaateen oo ay ku gar garaacayeen Caruurta, kadibna ay ku qaraxday.

Mid ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay saddexda caruurta ah inay hal meel ku wada geeriyoodeen, maadaama Miinada oo dhulka ku aasneyd ay gar garaacayeen.

Wuxuu sheegay inay ka cabsi qabaan caruur kale inay waxyeelo ka soo gaarto miinooyinka oo dhulka ku aasan, ayna u baahan yihiin cid ka gacan siisa sidii Miinooyinkaan looga saari lahaa degaanka.

Inta badan deganada Gobolka Mudug ee dhulka miyiga fog ah oo horay uga dhaceen dagaalo kala duwan, ayaa waxaa ku aasan waxyaabaha qarxa oo dadkii halkaasi ku dagaalamaayay ay galiyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.