Al-shabaab oo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Koonfur Galbeed Soomaliya

shabab

Wararka laga helayo Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi uu ka dhacay weerar khasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koofur Galbeed Soomaliya.

Cutubyo ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa weerar dabagal ahaa ku qaaday Ciidamo katirsan maaaulka gobaleedka Koofur-Galbeyd oo ku sugnaa deegaanka Daynuunaay oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Baydhabo,iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerarkaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay  iney labada Ciiidan isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan balse hada xaalada ay tahay mid dagan

Dhanka kale Idaacada Andalus ee ku Hadasha afka Al-shabaab ayaa baahisay in weerarkaasi ay fuliyeen Cutubyo katirsan Xarakada Al-Shabaab laguna dilay hal askari oo ka tirsan maamulka koonfur galbeed kaasi oo meydkiisa ay goobta kaga carareen sida Warbaahinta Al-shabaab hadalka u u dhigeen.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa inta badan Weeraro dabagal ah ku qaada ciidama Ethopia iyo Ciidamada maamulka koonfur Galbeed ee Ku sugan Deegaanada iyo  Dagmooyinka gobalada bay iyo Bakoool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.