Akhriso:-Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Xukumay 10 sano oo Xabsi ah.

xabsi

Muwaadin Soomaaliyeed oo qaxooti ah ayaa lagu xukumay xabsi dhan 10 sano kaa oo weerar loo adeegsaday baangad ku qaaday haweeney u dhalatay dalka Austrilia xili ay ku sugneed goob aad u mashquul badan.

Horaantii sanadkan Maxamud Samow Cali ayaa lagu helay inuu galay dambi ah isku day dil oo ka dhan ah haweynaydaan oo saaxiibo horey ay u ahaayeen isaga oo ku tuuray gaari wadada marayay waxaana bishii September sanadii 2015-kii dhowr weerar oo hub loo adeegsaday uu ku qaaday isla haweeneydaas.

Maxkamada sare ee dalka Austrilia ayaa muwaadinkan soomaaliyeed oo 53-jir ah waxeey ku xukuntay 10 sano oo xabsi ah kadib markii uu qaaday weerar toos ah oo dad badan ay goob joog u ahaayeen si uu u afjaro xeriirka haweynaydaas kala dhaxeyay.

Haweeneydan ayaa  maxkamadda ka hor sheegtay in ay ka badbaaday isku day dil oo uu la damacsanaa muwaadinka soomaaliyeed waxaana ay intaa ku dartay in dhaawacyo ay ka soo gaareen qeybaha hore ee jirkeeda .

Qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool dalka Austrilia oo maxkamadda ku sugnaa ayaa sheegay in ay taageerayan go’aanka maxkamada iyagoo dhanka kale tilmaamay in uu Maxamud Samow Ali uu yahay shaqsi  madaxa looga jiray tan iyo intii uu ku sugnaa Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.