Qarax Dad Badan Lagu Dilay oo ka Dhacay Kabul

Qof ismaadaamiyey ayaa weerar ku qaaday dad isugu soo baxay meel dibedda ka ah banki ku yaalla magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, halkaasi oo uu ku dilay shan qof, islamarkaana uu sagaal kale ku dhaawacay, sida uu afhayeen ka tirsan booliska u sheegay VOA.

Weerarka ayaa ka dhacay halka laga galo Kabul Bank, oo aan ka fogeyn safaaradda Mareykanka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada dalka Afghanistan iyo shaqaale kale oo dhinaca amniga ah ay ka mid ahaayeen dadka meesha isugu soo baxay, ayna sugayeen in mushaharkooda bisha la siiyo.

Kooxda Taliban ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Afhayeen u hadlayTaliban ayaa sheegay in qofka ismiidaamiyey uu khasaare xooggan gaarsiiyey ciidamada Afghanistan iyo booliska isku soo baxay.

Qaraxa ayaa yimid dhowr malamood un kadib qarax kale oo dhacay Jimcihii, kaasi oo lagu qaaday masjid shiicadu ay ku leeyihiin magaalada Kabul. In ka badan 40 qof ayaa lagu dilay qaraxaas, oo ay ku jiraan haween iyo caruur, waxaana lagu dhaawacay 100 qof kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.