Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo magacaabay guddiga doorashada Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa Soo saaray Wareegto uu ku magacaabayo  sagaalka xubnood ee ah guddiga doorashada Madaxweynaha Hirshabelle.

Guddigaan waxaa guddoomiye looga dhigey Maxamuud Xuseen Yuusuf halka ay guddoomiye ku xigeeno ka yihiin Abuukar Xasan Cali iyo Cabdulaahi Maxamed Caddow, halka xoghaynta guddigana uu yahay Ismaaciil Maxamed Nuur, sida ku cad wareegtada.

Xubnahaan ayaa laga sugayaa in ay so diyaariyaan sharciyadda Doorashada Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hirshabelle, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay cali osoble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.